Muqdisho-KNN-Xasan Cali Khayre Raysal Wsaaraha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ka baaqaday safar uu ku tagi lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Baaqashada safarka Raysal wasaaraha Xasan Cali Khayre iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirada ayaan ilaa iyo hadda la shaacin sababta ka damaysa.
Waxaa xusid mudan in xubno ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha ay KNN u sheegeen, in baaqashada safarkiisa ay ka dambayso garoon magaalada Beledweyne oo wali qoyan, balse waxaa jirta in diyaarad siday madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ku wehliya safarkooda ,ay goor dhow ka degtay garoonka magaalada Beledweyne, si ay halkaasi gargaar u gaarsiiyaan dadka ay saameysay Fatahaadda webiga Shabelle .


