Somali News

RW Kheyre oo dadka reer Xudur ku amaanay amniga degmadooda

Xudur-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bulshada Xudur kala qayb galay munaasabad ay kusoo dhaweynayeen wafdiga uu hoggaaminayo ayaa sheegay in dowladnimadu ay tahay dadka oo isu taga, wadajir wax u qabsada, horumarkana ka shaqeeya, si cududooda u muujiyaan wax kasta oo dhib ku ah deegaankana ay isaga qabtaan.

Dhammaan bulshadii munaasabadda ka hadashay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay qaabkii ay magaalada uga xoreeyeen Al-Sbabaab iyo sida ay hadda amnigeeda ku sugaan, kaas oo sida ay sheegeen ah hannaan ay bulshadu wadajir uga qayb qaadatay, iyagoo sheegay in magaaladooda uu ka jiro amni la isku haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay reer Xudur in ay labo jibbaaraan isku duubnida ka dhexeysa bulshada iyo maamulkooda, ayaa faray hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka howl gala in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan baahiyaha ay qabaan bulshada ku nool Xudur si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.