Somali News

RW Kheyre oo Dhuusamareeb kula kulmay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa kulamo gooni gooni ka wada maanta magaaladaas.

Kheyre ayaa hooyga uu ka daganyahay Dhuusamareeb kula kulmay gudoomiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sh. Xasan iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shakir Cali Xasan, waxayna ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii yaraa ee soo kala dhex-galay dowladda Federaalka & Ahlu-Sunna, sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo loo iclaamiyey in maalin kaddib uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay. 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dhuusamareeb kulamo kale kula yeeshay maanta odayaasha dhaqanka Galmudug, siyaasiyiin iyo qeybo kamid ah bulshada Dhuusamareeb waxuuna ka xogwareystay sida loogu diyaar garoobay shirka ladoonayo inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb sida uu Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-Jecel oo ku sugan Dhuusamareeb uu u sheegay Idaacadda Kulmiye.

Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa habeen ka hor magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deeganada Galmudug oo soo maray dib u dhacyo badan uu furmayo Afarta bishan.