Gaalkacyo-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wafdiga Kheyre oo waji gabax kala soo kulamay reer Cadaado, kadib markii Odayaasha magaaladaas ay diideen in ay la kulmaan, ayuu gaaray magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu wadaa inta uu ku suganyahay Gaalkacyo inuu kulamo la yeesho Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada magaaladaas, oo uu kala hadli doono dhismaha maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa manta tegay Magalada Cadaado,isaga oo doonayay in uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka Magaaladaas,hayeeshee ay diideen inay la kulmaan, iyaga oo sheegay in balan hore uu uga baxay.