Somali News

RW Kheyrre “Mushaarka Ciidamada aniga halla iigu yimaado”

Muqdisho-KNN-Rayl Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay ka hadlay Mushaar la’aanta iyo Garaam la’aanta ay maalmahaan wajahayaan Ciidamada Soomaaliya iyo cabashada Ciidamada ka soo baxaysa taas oo cirka isku shareertay.

Xasan Cali Kheyrre ayaa sheegay in Ciidamada la diiwaan geliyay ay qaataan Mushaarkooda, kuwa aan wali la diiwaan gelin waxa uu sheegay in ay socoto diiwaan gelintooda maalmaha soo aadanna ay heli doonaan sida uu hadalka u dhigay.

“Dhammaan Ciidamada diiwaan gashan waa qaatayn mushaarkooda iyo Garaamkooda waxaana ugu shubnay Akoonaooda”, ayuu Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre. “Taliye Indha qarshe iyo Taliye Bashiir Ameeriko aniga iigu imaada Mushaarka, Garaamka iyo dhamaan Xuquuqdda Ciidanka, laakiin aan idinkugu imaado Ciidan Qaranka u shaqeeya”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Xasan Cali Kheyrre ayaa xalay hadalkii uu jeediyay waxa uu ku sheegay in uusan ogolaan doonin Ciidamada Dowladda katirsan islamarkaana qabta shaqo leexsan ama aada shaqo kale oo aan aheyn midda Qaranka.

“Ma ogolaan doono Askari Qaranka u diiwaan gashan oo ilaalo ka ah hotel ama qof gaar ah ilaalo ka ah, amaba qabta shaqo kale midna uu dhabarka u dhigto rasaasta iyo Qaraxyada Cadowga”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyrre Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Inkastoo Xasan Cali Kheyrre markale ku celiyay in ay bixiyeen Mushaaraadka Ciidamada Dowladda ayaa hadane wararka madaxa banaan oo ay Idaacadda Kulmiye waxay xaqiijinayaan in aan wali la siinin lacagtii ay lahaayeen Ciidamada Soomaaliya kuwa diiwaan gashan iyo kuwa kalaba markii laga reebo qaybo gaar ah oo katirsan Milateriga Soomaaliya.