Somali News

RW Kheyrre oo guddi wasiiro ah u saaray amniga dalka

Muqdisho-KNN-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa guddi wasiiro ah u saaray amniga dalka oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanaya.

Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadayn Golaha Wasiirada ayaa aad looga hadlay amniga dalka, gaar ahaan xaaladda amni darro ee ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay korartay qayla dhaanta dadweynaha.

Xasan Cali Kheyrre ayaa xubno katirsan Golaha Wasiirada oo ay katirsan yihiin Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga u xilsaaray in ay soo aruuriyaan fekrado shirka Wasiirada laga jeediyay oo ku saabsan sugidda amniga dalka.

Muddo kooban ayaa la siiyay Wasiirada iyo Xukuumadda in ay la yimaadaan qorshe lagu badbaadiyo dadka iyo dalka Al-shabaabna wadanka looga saaro sida ay sheegayn Xubno katirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Markii uu soo dhamaaday Shirka Golaha Wasiirada ayaa Warbaahinta waxaa la hadlay Wasiir u-dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya C/llaahi Xaamud