Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya ciidamo lagu diiwaan gelinayo Muqdisho

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu maanta kormeer ku sameeyo xeryo ay ka socoto diiwaan gelinta Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafayay ka cabanayay xaquuq la’aan iyo daryeel xumo.

Diiwaan gelinta ciidamada ayaa ka socota Warshadda Caanaha iyo Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan waxaana diiwaan gelinta iyo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya loo xiray wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ka agdhow Warshadda Caanaha iyo Isbitaalka Xoogga ayaa la xiray waxaana gaadiidka lagu amrayaa in ay ka laabtaan wadooyinka xiran.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo Isbitaalka Xoogga markii uu maanta booqdo waxa uuna la hadli doonaa qaar kamid ah ciidamad difaaca Soomaaliya oo halkaasi lagu diyaariyay.