Somali News

RW Rooble iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka shiray Muranka Doorashada

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka doorashada iyo sidii loo sii wadi lahaa wada xaajoodyada DFS iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo. 

Shirkan ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.

Dhowaan ayay aheyd markii kulankan oo kale uu dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka. Xubahan ayaana ra’iisul wasaaraha u soo jeediyay in uu qaato doorkiisha ku aadan xallin khilaafka doorashada.

Muran ayaa weli ka taagan doorashada Soomaaliya, lamana oga waqtiga ay dhacayso doorashada.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa horey shuruud ugu xiray ka qeyb galka shir uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa  magaalada Muqdisho kula shiray midowga musharaxiinta mucaarad, isagoona la saxiixday heshiis ay gaareen.