Somali News

RW Rooble oo booqday dhaawacyadii dadkii kusoo dhaawacmay qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay cisbitaalka madiina ku   booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ismiidaminta ahaa ee al Shabaab shalay la beegsadeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonayey in ay qortaan ciidanka xoogga dalka si gaar ah kuwa danab xilli ay feel kaga  jireeen warshadii hore xero nac nac balse hataan loo yaqaano xerada general dhagobadan ee degmada wadajir kadib markii safkii ay ku jireen dhalinyaradaas  uu soo dhexgalay ruuxa is qarxiyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhawacyada  dhallinyaradan oo oo ka badan 30 ruux iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, Rooble ayaana xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday  weerarkan alshabaabna masuuliyadisa ay sheegteen.

Inta la xaqiijiyey ku dhawaan 20 dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qarixii shalay kuwaas oo doonayey in ay ku biiraan ciidanka dowladda isla  xiradan lagu tababaro.

Qaraxaan ayaa dhacay xili dhalinyarada ay  sugayeen  Baaritaanka ka hor inta aysan gudaha xerada galin.

dowladda Soomaliya iyo dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadlay weerarkan halka al Shabaab ay dusha u riteen weerarkaan mas’uuliyadiisa