Somali News

RW Rooble oo Cabdi Xaashi ku bogaadiyay dib u doorashadiisa aqalka Sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isagoo ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga  doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi dadaalkooda ku aadan dhameystirka doorashooyinka dalka, isagoo kula dardaarmay inay sii dardargeliyaan howlahaas shaqo ee horyaala Baarlamaanka Soomaaliya.