Somali News

RW Rooble oo Ciidamada faray adkeynta adkeynta Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in saacadaha soo socda gabi ahaan la xiri doono waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto Munaasabadda caleemasaarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo dhaceysa maalinta berri oo ku beegan 9-bisha June.

Sidoo kale, Rooble ayaa sheegay in Caleemasaarka ay ka soo qeyb gali doonaan Madaxweynayaal iyo Ra’iisul wasaareyaal ka kala socda dalalka dariska iyo Afrika, taasina ay sababeyso in la adkeeyo Amniga Caasimada.