Somali News

RW Rooble oo Guddi u saaray qabanqaabada Xuska maalmaha xorriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u magacaabay qabanqaabada xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddiga uu magacaabay RW Rooble waxaa ay ka kooban yihiin 16 xubnood, 15 kamid ah waxaa ay ka imaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana ku jira Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish),

Guddigaan magacaaban iminka waxaa ay shaqadooda ku egtahay markii ay dhamaadaan munaasabadaha Maalmaha Xorriyada.

Hoos ka akhriso:-