Somali News

RW Rooble oo guddiyada doorashooyinka u diray digniin.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo maanta tababar u furay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal, heer maamul goboleed iyo guddiga khilaafaadka ayaa uga digay xubnaha guddiyada ku jira in ay sameeyaan wax ka baxsan sharciga doorashoyinka qaranka islamarkaana la iska ilaaliyo waxyaabaha loogu yeero masuq maasuqa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaca ka qaaday in ciddii ay ku cadaato masuq-maasuq inuu sameeyo laga qaadi doono tilaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Intaasi waxa uu ku daray hadalkiisa in loo baahanyahay musharaxiinta in loo noqdo dhexdhexaad si doorashada dalka ay u noqoto cadaalad ku dhacda.

Mr Rooble ayaa geesta kale hoosta ka xariiqay in heshiiskii 17ka semtenber ay u tahay doorashada dalka ka dhici doonta udub dhexaad islamarkaana aysan  jirin wax laga beddelay heshiisyada la gelay ee ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Tababarka Guddiyada kaddib waxaa dalka uu gelayaa jawi doorasho maadaama la guda gelayo fulinta qodobada heshiiska madaxda soomaalida ay gaareen dhawaan.

Ra’iisulwasaare ayaa hore shaaca uga qaaday in xukuumadiisu ay ka shaqeyn doonto doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, Sidoo kale wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa isna hore u sheegay in ay u diyaarsan yihiin ciidamadii loogu talagalay iney ilaaliyaan goobaha ay ka dhacayso doorashada.