Somali News

RW Rooble oo ku wajahan maanta magaallada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soommaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaminayo tan iyo markii uu yimid xafiiska.

Magaallada Kismaayo ayaa shalay waxaa gaaray wafdi ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ay  sii diyaariyaan qaabka loo soo dhaweynaayo RW Rooble.

Amniga magaallada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona magaallada laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisulwasaare Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda maamulkaas, odayaasha dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkan uu ku tagaayo magaallada Kismaayo waxa uu noqonayaa kiisii ugu horeeyey tan iyo markii uu xafiiska yimid, booqashadan ayaaana waxa ay qeyb ka tahay kadib markii madaxda Soomalida ay heshiis rasmi ah ka gaareen doorashooyinka dalka oo jubbaland ay kamid ahayd maamuladii sida weyn uga soo horjeestay muddo kordhintii uu baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday inkastoo markii danbe ay ka laabteen baarlamaanku arintaas.

Sidoo kale Ra’iisulwasaare Rooble ayaa  horay u booqday dDowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed & Punland.