Somali News

RW Rooble oo kulamo la yeeshay Madaxda Sare ee Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa Safarkiisa ku wehliya Wasiiradda Waxbarashada,Dastuurka iyo Amniga.