Somali News

RW Rooble oo kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada ayaa kulan booqasho ah ugu tagay Madaxweynaha la doortay, Xasan Shiikh Maxamuud.

Booqashada Ra’iisul Waaaaraha daaranad hambalyo iyo salaan uu ugu tagay madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamuud isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.

Madaxweynaha dooran, Xasan Shiikh ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay dadaalkii uu u galay in dalka ka qabsoonto doorasho wadar ogol ah.