Somali News

RW Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanno

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan la yeeshay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay tiro Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukumadda, waxaana la isaga wareystay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee dhowaan ku soo dhammaatay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Guddoonka cusub ugu baaqay dadajinta Doorashada Madaxweynaha, isla markaasna lagu qabto waqtiga ku habboon.