Somali News

RW Rooble oo magacaabay guddi qaabilsan arrimaha doorashada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qaabilsan isku xirka dhinacyada ku hawallan arrimaha doorashooyinka dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay guddiga sare ee farsamada, oo arrimaha doorashada ka taageeraya Ra’iisul wasaaraha, kana kooban todoba xubnood.

Guddigaas ayaa ka shaqayn doona isku xirka dhammaan howlaha doorashooyinka ee hey’adaha ku shaqada leh, sida Beesha Caalamka, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Guddiyada kale ee doorashooyinka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga ayaa kala ah: Cabdulqaadir Cilmi Cali Avv. Cumar Maxamed Cabdulle Faadumo Cabdi Cali Maxamuud Maxamed Rooble Leyla Cabdikariin Maxamed Liibaan Rabiile Good iyo Maxamuud Maxamed Rooble.

Hoos Ka Eeg Guddiga