Somali News

RW Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaar ah ee Hay’adda UNHCR

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga gaarka ah ee Hay’adda UNHCR waxey ka wada hadleen xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay  abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xubno la socday Ergayga gaar ah ee Hay’adda UNHCR ee u qaabilsan Geeska Africa.