Somali News

RW Xamse oo la hadlay Mas’uuliyiinta hoggaamineysa howgalka ka dhanka Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si toos ah Khadka Taleefanka kula hadlay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha telefoonka uu kula hadlay waxa ay kala yihiin Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Guddoomiyaha degmada baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii deegaannada laga saaray Al-shabaab u heli lahaayeen Adeegyada Muhiimka ah.