Somali News

Rwanda oo xukun Ku riday rag xiriir la leh Al-shabaab iyo Daacish.

Muqdisho-KNN-Maxkamada Sare ee dalka Rwanda ayaa xukun ku ruday illaa iyo 15 ruux oo loo haysto in ay katirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.

13 kamid dadkan dacwada lagu soo oogay ayaa lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah halka 2’da kalana lagu xukumaya min 10 sano oo xabsi ah.

Maxkamada sare ee dalka Rwanda ayaa sidookale xabsiga kasii deysay illaa iyo 25 ruux oo kale kuwaas oo lagu waayay eedeemihii loo soo jeediyay oo ahaa kamid ahaanshada kooxaha argagaxisada.

Sanadkii 2016’kii ayay ahayd markii booliska dalka Rwanda ay xabsiga dhigeen illaa iyo 40 ruux oo looga shakiyay in ay xiriir dhaw lalahaayeen kooxaha argagaxisada.

Dhalinyarada laxukumayay qaarkood ayaa si gooni ah loogu eedeeyay in ay qorsheenayeen ku biiritaanka dagaalamayaasha Al-Shabaab kuwaas oo fadhigoodu yahay gudaha dalka Soomaaliya.

Eedeesanayasha ay xukunka ku riday maxkamada sare ee dalka Rwanda ayaa waxaa qayb ka ah 3 dumar ah kuwaas oo labo kamid ah lagasoo qabtay garoonka magaalada Kigali.