Uncategorized

R/wasaare kheyrre oo la kulmay Madaxweyne Ordugan

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha Dalkaasi Rajib  Dayid Ordugan.

Madaxweyne Ordugan iyo Raiisul Wasaare Khayre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada Dalka iyo dowrka Dowladda Turkigu ay ka qaadanayso ladagaalanka argagixisada Shabaab.

Dhanka kale waxaa uu booqday dhaawacyadii la geeyey isbitaalada Dalkaasi,raiisul wasaaraha ayaa u rajeeyey in eebe uu bogsiiyo dadkaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta uu joogo magaalada Ankara, waxuu la kulmi doonaa Jaaliyada ku dhaqan dalkaas, waxuuna booqan doonaa bukaandii la geeyay dalka Turki. Sidoo kalena waxuu Madaxwayne Erdogan, kala hadli doonaa xaaladda ay ku suagan tahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa dhigiisa dalka Turki, kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta amaanka, la dagaalanka Argagixsada, iskaashiga dhaqaalaha iyo xoojinta wada shaqaynta labada dawladood. Waxuuna tilmaamay in madaxda Turki, ay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen la dagaalanka iyo cirib-tirka Argagixisada.