Somali News

S/Ciidamada xooga oo sheegay in dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dileyn D/Diinsoor

Diinsoor-KNN-Wararka ka imaanaya degamada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka howlgalo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada degmada Diinsoor ee G/Baay, halkaasi oo ay sheegeen in ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Kanaanax waxaana lagu dilay Saddax dagaalame oo ka tirsan  Al-shabaab kuwaasi oo xiliga la dilayay ku guda jiray in ay weerar ka fuliyaan gudaha degaankaasi, sida saraakiisha ciidanka Xoogga ay Sheegeen.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay  Ibraahim Maxamed Nuur shigsgigow oo la hadlay idaacad ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgal uu ka dhacay degaanka kanaanax lagu dilay Saddax ruux oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo hubeysanaa xiliga la dilayay.

Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu Sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka furteen hubkii ay wadteen dagaalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab  marka la dilay ka dib.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor ayaa waxaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in sedex ruux ee la dilay ay ahaayeen dadka Shacabka, balse waxaa uu tilmaamay ragaasi ay ahaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Koofur galbeed ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka waday qeybo ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool, howgalkaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii degmooyinkaas Al-Shabaab ay ka taliyaan looga saari lahaa.