Muqdsho-KNN-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Lubnaan Sacad al-Xariiri ayaa laga cabsi qabaa in uu dib isku soo sharaxo kadib markii uu musharax nimadiisa ka laabtay ganacsadaha caanka ah ee Samiir Khatiib.
Madaxwaynaha dalka Lubnaan Mishaal Cawn, ayaa lasheegay in uu dib u dhigay ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaarihiisa xiga tan iyo 16’ka bishan.
Isniinta maanta ah ayaa lagu waday in madaxwaynuhu Ra’iisul Wasaare u magacaabo Mr Khatiib balse codsiga dib u dhigista ayuu sheegay in uu kaga yimid xisbiyada Baarlamaanka.
Xariiri ayaa xilkan ka dagay 29kii bshii October kadib markii ay bilawdeen dibad baxyo xoogan oo looga soo hor jeedo xukuumadiisa.
Dibad baxyaasha Lubnaan iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dowladda Lubnaan ku eedeenaya musuq maasuq sababay in dhaqaala xumadii ugu darneed ay dalkaasi ka dhacdo tan iyo sanadihii 1975 illaa 1990’kii.


