Somali News

Saciid C/llaahi Deni oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Garowe-KNN-Saciid C/llaahi Deni ayaa ku guuleestay doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, oo ay kula tartameyn 20 Musharax, waxayna musharaxiinta ahaayeen kuwii ugu badnaa ee u tartama kursiga Madaxweynaha ee Puntland oo shantii sanaba mar la doorto.

Saciid C/llaahi Deni ayaa ka guuleestay Gen Asad Cusmaan, oo ay wareegi 3aad isla soo gaareyn, waxa uuna helay codad gaaraya 35 cod, halka Asad Cusmaan C/llaahi uu isgana helay 31 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha la doortay ayaa u mahad celiyay dhamaan shacabka Puntland, Golaha Wakiilada, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee madasha ku sugan, isagoo balan qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka maanta ka jira Puntland iyo Soomaaliya.

“waxaan u mahad celinayaa, Baarlamaanka, Shacabka, Isimada Puntland, iyo dhamaan Guddiga doorashada”. ayuu yiri Madaxweynaha  cusub ee Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynihii ka horeeyay, ee Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, “waan u mahad celinayaa Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdi wali Gaas, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa kor-joogtada” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Madaxweynaha Deni.

Asad Cusmaan C/llaahi ee ah Musharaxa laga guuleestay ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub , waxa uuna sheegay inuu kala shaqeyn doono dhamaan xal u helidda caqabaha ka taagan Puntland.

“waan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, saaxiibkeey Saciid C/llaahi Deni, waana u duceynayaa inuu alle xilka u fududeeyo”. Ayuu yiri Musharaxii laga guuleestay ee Asad Cusmaan C/llaahi.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali (Gaas) oo sidoo kale ka tirsanaa musharaxiinta Wareega 1aad ku haray, ayaa soo dhaweeyay Natiijada doorashada, waxa uuna u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee isaga badalaya Saciid C/llaahi Deni.

Doorashadaan ayaa soo afjareysa, loolankii adkaa ee ka taagnaa magaalada Garowe ee Puntland, waxaana xigta doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u tartamayaan 11 Musharax, sida ay shaaciyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha ee Puntland.