Uncategorized

Saciid Dani”Hubka lagu qabtay Magaalada Boosaaso Lug kuma lihi”

Dubia–KNN– Siyaasiga lagu Magacaabo Saciid C/llaahi Dani oo ka mid ahaa Musharaxiintii u Tartamay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Bishii February Ee Sanadkaan islamarkaana ka mida Siyaasiinta sida weyn looga yaqaano Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa Been abuur ku tilmaamay Warar sheegayay in Hubkii lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari uu lahaa Siyaasiga lagu Magacaabo Saciid C/llaahi Dani.

Saciid C/llaahi Dani oo ku sugan Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa KNN u sheegay in Warka laga Faafiyay uu yahay Been abuur iyo mid la soo dhoob dhoobay islamarkaana uusan laheyn Hubka la sheegay in lagu qabtay Magaalada Boosaaso.

“Waxaan si cad u sheegayaa in aanan Lug ku la heyn Hubka la sheegay in lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee la yiri waxaa leh Saciid Dani,Warkaas waa been iyo waxba kama jiraan,waxaana Warkaas Faafiyay Dad doonaya in ay Magaceyga Wasaqeeyaan oo ay Waxyeello gaarsiiyaan”ayuu yiri Dani.

Saciid C/llaahi Dani oo ah Siyaasi Ganacsade ah ayaa ka mida Musharaxiinta u Sharaxan qabashada Xilka Madaxweynaha Puntland ee 2019.