Somali News

Saciid Deni oo furayo Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamaanka maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo taarikhdu ku beegan tahay 15-ka June 2022 furay Kal-fadhiga 50aad ee Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida dastuuriga ah furay kal-fadhiga isagoona ka jeediyay khudbad dheer oo uga hadlayo waxqabadkii xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi.

Denni ayaa carabaabay in Dowladdiisu ay isha ku hayso kiiska dhoofinta dhirta isagoona sheegay in ka go’an tahay la-dagaallanka xaalufka degaanka.

Isagoo ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni “ Waxaan hortiina ka ballan-qaadayaa in ay iga go’antahay hirgelin doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda degaanada iyo degmooyinka Puntland,,.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa Ganacsatada, iyo Hay’adaha gargaarka ka codsaday in ay garab istaagan dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxa uu sidoo kale sheegay in ay dhaamaatay wajigii kowaad ee dhismaha dekadda Garacad, “Waxa dhammaaday wejigii kowaad ee dhismaha dekedda Garacad oo dhowaan shaqa bilaabi doonto,

Ugu danbeyntii madaxweynaha Mar uu ka hadlay Kaluumeeysigga sharci daradda ah ayaa waxa uu shegay in ay Ciidamada amaanka xeebaha maamulkaqai qabteen Doonyo iyo ragii watay kuwaa oo Kaluumeeysi sharci darro ah ka waday xeebaha Puntland.