Uncategorized

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo DFS ku Cadaadinaya in ay Xiriirka u jarto Qadar

Macluumad qarsoodi ah oo ay heshay jariidada Al-badiil ayaa sheegaysa in Dowladda Soomaaliya ay wajahayso cadaadis xoogan si looga saaro mowqifyada ay ka taagan tahay howlgalka Sacuudiga uu hogaaminayo ee Yemen laga wado iyo xirirka loo jaray dowladda Qatar.

Xogta la helay ayaa lagu sheegay in booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee dhawan uu ku tagay dalka Masar isagoo casuumad ka helay Madaxweyne Alsiisi ay qeyb ka ahayd cadaadiskaasi,ilo wareedyada lasoo xiganaya ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay kulankoodi kusoo qaaden go’aanka adag ay dowladda Soomaaliya ka taagan tahay Yemen iyo Qatar.

Isla xogta arimahaan la xiriirta ayaa sheegaysa in dowladda Imaaradka Carabta waqti ay siisay maadxda maamul goboleedyada kala ah Puntland Cabdiwali Gaas iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan lacag dhan 5Million oo doolarka Mareykanka.

Ilaha xog ogaalka ee macluumaadkaan laga soo xiganayo ayaa sheegay in lacagtaan ay ahayd mid maamuladaasi loogu baaqayay inay cadaadiyaan xukuumada Soomaliya iyo madaxweyne Farmaajo iyagoo ugu hanjabaya in Baarlamaanka uu kalsoonida kala noqonayo xukuumadda hadii ay sii wado inay ku biirto ama ay la heshiiyaan Sacuudiga iyo Imaaradka.

Warbixintaan oo dheerayda waxaa lagu xusay booqashadii Cabdiwali Gaas ee Sacuudiga in arimahaasi ay qeyb ka ahayd waxaana jira oo hadda soconayo booqasho uu madaxweynaha Koofur galbeed uu ku tagi doono dalka iskutaga Imaaradka Carabta.

Labada maamul ee Koofur Galbeed iyo Puntland ayaa sameyn weyn ku leh Golaha shacabka iyadona Gudoomiyaha Barlamaanka laga soo doortay degaanada K Galbeed.