Somali News

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo lagu eedeeyay in ay kala qeybinayaan dalka Yemen.

Muqdisho-KNN-Hogaamiyaha ruuxiga ah ee dowlada Islaamiga ah ee Iiraan Aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa ka digay in Sacuudiga iyo Imaaraadka oo howlgal milatari sanadihii la soo dhaafay dalka Yemen ka waday in ay kala qeybiyaan Dalkaasi.

Mr Khumeyni ayaa sheegay in labada dal ay diirada saarayaan Arintaan waxaana uu ugu baaqay hogaamiye yaasha Yemen in midnimo ay muujiyaan si loo hortago qiyaanada Cadowga.

Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib kulan uu la yeeshay saraakiil sare oo ka socday xuutiyiinta oo uu hogaaminayo afhayeenka kooxdaas Maxamed Cabdi Salaam, kuwaasi oo booqasho ku jooga magaalada caasimada u ah Iiraan ee Tehraan.