Somali News

Sacuudiga iyo Iran oo sanado ka dib bilaabaya Duulimaadyada tooska ah

Iran iyo Saudi Arabia ayaa dib u billaabaya duulimaadyada tooska ahaa ee tagi jiray magaalooyinka Tehran, Riyadh iyo magaalooyinka kale.

Sarkaal ka tirsan dowadda Iran ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dawladda ee ILNA in ay dib u billaaban doonaan duulimaadyada markii labada dhinac ay isku afgartaan.

Tallaabadan ayaa noqoneysa mid loo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee ku yaalla Bariga Dhexe.

Iraan iyo Sacuudiga ayaa waxaa dhexmaray heshiis Shiinuhu dhex dhexaadiyay bishii March, iyaga oo dib u soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ka dib sanado badan.