Uncategorized

Sacuudiga oo sheegay in ay ka hor tageen Weeraro Argigixiso oo ku wajahnaa Wasaaradda Difaaca Dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Sida ay baahisay wakaaladda Wararka Dalka Sacuudiga Ciidamada amaanka dalkaasi ayaa ka hor tagay Weerar kooxda Daacish ay doonaysay in ay ka geysato Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga kadib markii ay ciidanka amniga heleen warbixin ku aadan ragii weerarka geysan rabay.

Wakaaladda oo soo xiganeysa Saraakiisha Ciidamada Amniga Sacuudiga ayaa sheegtay in Ciidanka ay gacanta ku dhigayn labo qof oo doonayay In ay isku qarxiyaan Wasaaradda Gaanshaadhigga dalkaasi oo xarunteeda ugu weyn ay ku taallo Magaalada Riyaad balse aysan u suurta galin ujeedkii ay la haayeen.

Sacuudiga ayaa sheegay in ay qabteen ragaan ka hor inta aysan is qarxin Islamarkaana ay damacsanaayeen in ay weeraro Ismiidaamin ah ku qaadan Xarunta Gaashaan-dhigga dalkaasi.

Sacuudiga ayaa dhowr jeer sidaan oo kale uga hor tagay weeraro la damacsanaa in lagu qaado dalkaasi.