Somali News

Sacuudiga oo wada kulamo lagu soo afjarayo colaadda Suudaan

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in ay dib uga soo cusboonaadeen magaalada Jeddah wadahadalo lagu soo afjarayo colaadda Suudaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa lagu soo dhaweeyay in dib loo bilaabo wada-hadallada u dhaxeeya wakiillada ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa gurmadka degdegga ah.

Waxa ay sidoo kale ku boorisay in ay qaataan xabad joojin oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah. In ka badan sagaal kun oo qof ayaa lagu dilay in ka badan shan milyan iyo bar ayaa ku barakacay tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil.