Somali News

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerar lagu qaaday caasimadda Riyadh

Riyadh-KNN-Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay fashilisay weerar gantaallo ah oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyadh.

Boqortooyada ayaa weerarkaas ku eedeysay fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.

Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin ah, isla markaana lagu soo rakibay banbaanooyin culus ay burburisay dowladdu.

Diyaaradahaas ayaa ku wajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga oo caasimaddu ay ku jirto.

Ilaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid dhaqaale oo ka dhashay weerarkaas.

Waxaa sare u kacay weerarrada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca xuduudda Yemen, xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela dowladda Iran.

Bishan ayay aheyd markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay in Mareykanka uu hakin doono tageeri uu siin jiray dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ee Yemen.