Somali News

Sacuudiga “Waxaan ka walaacsanahay xaaladda Soomaaliya”

Muqdisho-KNN-Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay maanta oo Sabti ah walaaca xoog leh oo ay boqortooyada ka qabto dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, kuwaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Bayaan ay soo saatay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Xukuumada Sacuudiga waxay si qoto dheer indhaha ula raacaysaa xaaladaha isbad-badalaya ee Soomaaliya, waa in xaalada ladejiyo oo aan looga sii darin.”

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaalida in miiska wadahadalka lagu dhameeyo muranka hareeyay doorashada guud ee Soomaaliya.

Bayaanka oo ay faafisay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee Waas, ayaa sidoo kale dhinacyada Soomaalida ugu baaqaya inay isaga fogaadan wax kasta oo wax u dhibaya xasiloonida iyo nabad-gelyada dalka.

Ugu dambeyntii, dowladda Sacuudiga ayaa ka tacsiyadeysay dadkii ku dhintay rabshadihii ugu dambeeyay ee caasimadda ka dhacay Jimcihii shalay, Sidoo kale dadkii ku dhawacmay waxay u rajeesay inuu Alle bogsiyo.