Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Mali Boubacar Keita, ayaa ku dhawaaqay in sadax maalin oo baroor diiq ah loo sameyn doono tobonaan ruux oo dhawaantan dalkaasi lagu laayay.
Dowlada Mali ayaa Arbacadii ceerisay gudoomiyihii gobolka Mopti oo ah halka uu kadhacay isniintii weerarkii lagu laayay xubno katirsan Qoomiyada Dogon.
24 kamid dadka dhintay ayaa lagu sheegay in ay caruur ahaayeen iyadoona dowladu sheegtay illaa lix ruux in loo xiray weerarkaasi.
Ciidamo katirsan kuwa amaanka ayaa lageeyay Gobolka kuwaas oo goob jog u ahaa qalaasaha bilooyinki ugu danbeeyay halkaasi ku dhaxmarayay Qoomiyadaha Dogon iyo Fulani.
Dadka ku dhaw 100 ruux ayaa lasheegay in ay ku dhinteen weerarkii ugu danbeeyay ee halkaasi kadhaca.