Muqdisho-KNN- Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay shirka wadahallada madaxda dawlada Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmaya magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda ayaa waxaa lagu yidhi”Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxaa ay soo dhaweyneysaa furitaanka wadahadallka dawladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ee maanta ka dhacaya dalka Jabuuti. Waxaan amaaneynaa hoggaanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.’
Sidoo kale qoraalkan, ayaa waxaa loogu mahaceliyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo in sidoo kale Mareykanku uu diyaar u yahay in marwalba ay umadda Soomaaliyeed ka taagei doonto dhanka iskaashiga wanaagga.
Wadahallada maanta uga furmaya dalka Jabuuti ayaa waxaa markii hore soo qaban qaabisay dawlada Mareykanka, iyadoo sidoo kale ay martigelisay dawlada Jabuuti.
Waxaa magaalada Jabuuti maanta gaaray wafdi ka kala socda labada dhinac ee wadallada uu u uga furmayo dalkaasi Jabuuti, waxaaana shirkan guddoomin doona madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.