Somali News

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulmay

Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Benjamin James Fedner.

Labada masuul ayaa wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka gaar ahaan Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin.

Cabdinaasir Ibraahim Guuleed Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare ayaa sheegay in kulankaasi looga hadlay Jubiland iyo Galmudug.

Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha Dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.