Somali News

Safiirka Soomaaliya ee Nigeria oo dhaliilay dhaqanka diblamaasiyiinta shisheeye ee Muqdisho jooga.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nigeria Jamaal Barrow ayaa dhaliilay dhaqanka diblamaasiyiinta shisheeye ee Muqdisho jooga kuwaa oo malin walbo kulamo la qaato Madaxda dalka.

“Waxa yaab leh dhaqanka ay la yimadeen diblomaasiyiinta ajaanibta ah ee dalkeena ka hawlgala, Waxay nagu sameynoyaan waa wax marnaba dawladahooda u ogolaaneyn in diblomaasiyiinteenu dalalkooda ku sameeyaan. Tusaale, waxay dhex wareegaan xafiisyada dawladda heerakooda kala duwan iyagoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka warqabin, taasoo ah hey’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa haddana lama hayo cid yac tiraahdo oo nidaamka sax ah ku toosiya”‘ ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria.

Si loo soo afjaro fowdadan diblumaasiyadeed, wuxuu u soo jeediyay Safiirka Soomaliya ee dalka Nigeria in Wasaaradda Arrimaha Dibadda nidaam u dajiso diblumaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, ciddii ku xad gudubtana lala xisaabtamayo.

Hadalka safiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu arkayay sawirada safiirada Qatar iyo Imaaraatka iyo wadammo kale u fadhiya Soomaaliya oo kulamo isdaba joog ah la qaadanaya gudoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh.