Uncategorized

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo hortagaya Golaha Aqalka sare

Muqdisho-KNN-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amp; Dr. Fiqi  ayaa maanta hortagi doono Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu warbixin ugu siiyo Golaha xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Safiirka ayaa waxaa la filayaa in khudbad uu ka horjeediyo Xildhibaanada aqalka Sare,Waxaa uuna si qoto dheer ah uu ugu hadli doonaa dhibaatooyinka kala duwan xiligan haysta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale Waxaa ay kulankooda ugu hadli doonaan ka doodista iyo ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 3aad ee Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya,iyadoona wararka qaar sheegayaan in ay dhici karto, in isla maanta la ansixiyo qorshe howleedka.

Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka dib looga soo celiyay Sanadkan,Madaama Qaxootiga qaarkood laga soo daayay xabsiyada ku yaala dalalka Caalamka.

Dhawaan waxaa Muqdisho la keenay dhallinyaro Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya,iyadoona  Dowladda soomaaliya aya hadda guddi u saartay howsha soo daynta maxaabiista Soomaalida ee Libiya ku xiran safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Fiqi.

Sidoo kale wadama laga soo daayay maxaabiista mudadda dheer ku xirnaa waxaa ka mid ah Ethopia oo labo mar laga soo daayay, Hindiya oo labo mar laga keenay maxaabiis Soomaaliyeed Siishalis oo hal mar ah iyo dalka Liibiya oo labo mar noqonaysa maxaabiista laga soo daayay.