Muqdisho-KNN-Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Nairobi (kaaloo makaarta) ayaa sheegay in Dowladiisu ay Soomaaliya iyo Kenya kala shaqayneyso in ay muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhameeyaan miiska wada hadalka.
Wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Nation ayaa safiirka lagu weydiiyay Su’aal ahayd; waa maxay go’aanka maraykanku ka qaatay muranka xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya maxayse yihiin xirfadaha dublamasiyadeed ee uu caawimaadda uga geysanyo in arrinta la xaliyo?
Safiirka ayaa ku jawaabay “waa in arrintaan deg-deg lagu xaliyo. Waxaan ka shaqayneynay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaaho iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay miiska wada hadalka isugu yimaadan.
Waxaan muqdisho u tagay in aan la hadlo Madaxweynaha soomaaliya. Waxaan u sheegay in uu kiiska badda kasoo saaro.
Waxaan u sheegayafarmaajo iyo Kenyatta in ay dhibaatadda ugu weyn ay tahay in laga adkaado Al-shabaab waana wadada keliya ee aan uga faa’iideysan karno dhaqaalaha iyo khayraadka badweynta.
Madaxweyne Kenyatta waxaa uu sameynaya wax walba oo uu awoodo waana waddi doonaa dadaalkeena si aan arrinta u xallino” ayuu ku gaban gabeeyay Jawaabtiisa Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ay maxkmadda caalamiga ah e Cadaaladda ay dhib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Badda islamarkaan ay u asteysay todobaadka ugu horreeya ee Bishan June sanadkan 2020.
Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii ay Kenya dalbatay in dib loo dhageysiga Dacwadda si ay usoo abaabusho sharciyaqaanadeena.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ogoshahay in dib u dhacu uu noqdo markii u dambeeysay.
Balse siyaasiin badan ayaa su’aallo ka keenay sida ay Soomaaliya dib u dhaca ku ogolaatay.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa keenay su’aal ahayd , in dhib u dhacu uu billow u yahay wadadii meel ka baxsan maxkamadda lagu xalin lahaa Kiiska badda,waxaana xilliga dacwada la qaadayo ay ku aadan tahay waqti soomaaliya ay ku jirto Marxalado doorasho.


