Somali News

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar & Jaamacadda Carabta oo geeriyooday

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta dalka Kuwait ku geeriyooday Allaha u naxariistee Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Marxuum Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa waxa uu mudo soo ahaa safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya iyo geyiga Carabta,iyadoo sanadkii hore 2019 ay dawlada Soomaaliya ay ugu yeertay inuu dalka dib ugu soo laabto, sabab la xiriirta in isbedel lagu sameeyo balse markii dambe ay suurtoobi weyday.

Dhinaca kale madaxweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar, Jaamacadda Carabta iyo dhammaan geyiga Carabta.