Somali News

Safiirkii Soomaaliya u joogay Roma oo shaqadii laga eryay + Sabab

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qoraal rasmi ah ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga 02-dii bishii hore ee April taas oo lagu soo celiyey safiirkii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay  Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur,  oo ah diblomaasiyiinta Wasaaradda kuwooda ugu khibradda badan, asagaana ah Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rome inta laga soo magacaabayo Safiir cusub.

“Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Talyaaniga.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay in dhowr jeer ay u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa tilmaamtay in Qoraallada sare ay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka: