Somali News

Sagaal Kamid ah Mucaaradka Bangladesh oo Lagu Riday Xukun Dil ah.

Muqdisho-KNN-Maxkamada Sare ee dalka Bangladesh ayaa sagaal kamid ah mucaaradka dalkaasi ku riday xukun dil ah kadib markii lagu eedeeyay weerar lagu qaaday haweynayda hogaamisa dalkaasi 24 sano kahor.

Sidookale maxkamada ayaa 25 ruux oo kale ku xukuntay xabsi daa’in kuwaas oo dhamaantood loo haysto weerarka lagu qaday hogaamiyaha dalkaasi.

Sheikh Hasina oo haatan ah Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ayaa waqtigii laweeraray ahayd hogaamiye siyaasadeed iyadoona 23’kii bishii September 1994’tii la weeraray xilli ay saarneed tareen marayay boosteejada Pakshil.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa waqtigaasi rasaas ay ku fureen tareenka ay saarneed Sheikh Hasina waxaa ku dhawacmay tobonaan ruux balse Mr Hasina ayaa weerarkaasi ka badbaadayay

Sheikh Hasina ayaa markii afaraad ku guulaysatay xilka madaxtinimo ee dalkaasi kadib doorashadii qabsoontay dabayaqadii bishii December ee aanu kasoo gudubnay.