Uncategorized

Sagaal Qof oo ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Gaarisa

Gaarisa–KNN–Shil Gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhacay Duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya,kadib markii ay isku dhaceen Labo Gaari oo kala ah Booyad iyo mid Rakaab siday.

Inta la Xaqiijiyay 9 Qof ayaa ku dhimatay Shilka Gaari,waxaana ku dhaawacmay in kabadan 20 kale.

Gaariga Rakaabka ah ayaa la sheegay inuu ka baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya,waxaana uu ku soo jeeday Magaalada Gaarisa,halka Gaariga Booyadda ah uu asna ka baxay Magaalada Gaarisa sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa.

Dadkii ku dhaawacmay Shilka Gaari ayaa la dhigay Isbitaal ku yaal Gaarisa halkaas oo Xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo.