Somali News

Saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka Mandheere oo la weeraray

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerareen saldhig booliis oo ku yaalo meel u dhaw degmada Mandheera ee dhacda xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamyaashi weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowlada Kenya ay is wiidaarsadeen rasaas xoogan taas oo laga maqlayay gudaha degmada Mandheera.

Ururka al-Shabaab oo ku xiran urur waynaha al-Qacida ayaa sheegtay masuuliyada weerarka iyagoona intaasi ku daray in ay saacado kooban lawareegeen gacan ku heenta saldhiga ay weerareen.

Ciidamada Booliska ayaana wali ka hadlin weerarkii qaar katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab ay ku qaadeen mid kamid ah saldhigyadooda.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarda ay ka geesanayaan gudaha dalka Kenya Tan iyo sanadkii 2011’kii markaas oo ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen gayiga Soomaaliya waqtigaas oo ay qayb ka noqdeen kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.