Sports

Sami Khedira oo xiiseenaya u dhaqaaqida horyaalka Premier League.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee Juventus Sami Khedira ayaa si maldahan u sheegay inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo Premier League.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany oo horeyba lala xiriirinayey kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Chelsea, ayaa qandaraaska uu kula joogo Juventus ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.

31 jirkaan ayaa ku adkeysanaya inuu ku fiican yahay Turin, laakiin wuxuu soo jeediyay inuu doonayo inuu ka ciyaaro England ka hor inta uusan kabihiisa dhigin.

Qandaraaskaygu wuxuu dhacayaa hal sano kadib. Waxaan badanaa ka fikiraa mustaqbalka maxaa yeelay wax kasta ayaa dhici kara. Halkaan waan ku fiicanahay, laakiin waan jeclahay meel kabaxsan waanan raadiyaa “ayuu Khedira u sheegay Bild.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ku guuleysto horyaalo badan ee ugu macquulsan tartamada ugu badan, sida ugu fiican ee horyaalada yurub waxaan u heystaa England,waxaan ku guuleystay Spain, Germany iyo Italy.

Khedira waxa uu ku guuleystay horyaalada Germany, Spain iyo Italy waxa uuna isha ku hayaa inuu u dhaqaaqo Kan Egland si uu isagana ugu guulaysto.