Uncategorized

Saraakiil cadaan ah oo baaritaan ku bilaabay sababtii loo dilay shaqaale ka tirsanaa UNICEF.

Muqdisho-KNN-Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa KNN u sheegay in Saraakiil cadaan ah iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen  baaritaan ku aadan dilkii shalay loo geystay nin ajnabi ahaa oo u shaqeynayay Hay’adda UNICEF xafiis ay ku leedahay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Saraakiil Cadaan ah oo ku sugan Xarunta ciidamada Midowga Afrika Amisom ee Xalane ayaa la sheegay in ay ku howlanyihii baaritaan ku aadan dilkaasi

Nin u dhashay dalka Uganda ayaa waxaa dilay nin Waardiye ahaa, kadib markii sida la sheegay ay wada murmeen oo ay wax isku qabteen, kadibna uu rasaas ku dhuftay ninka Waardiyaha ah qofka Ajnabiga ah.

Ciidamada Amisom iyo Saraakiil Cadaan ah oo shalay galab maydka qofka la dilay ka soo qaaday Xarunta UNICEF ee Degmada Wadajir, waxa ay geeyeen maydka xarunta Xalane, halkaasi oo lagu baarayo.

Ninka falka dilka ah gaystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, kadib dilka uu u gaystay ninkaasi u dhashay dalka Uganda, waxaana la sheegay in baadigoob loogu jiro ninkaasi.

Sidoo kala waxaa jira cabsi xoogan oo soo foodsaartay shaqaalihii kale ee ka shaqeynayay hay`adda UNICEF ee xarunteeda Muqdisho.

Ninka Ajnabiga ah ee la dilay ayaa ka shaqeynayay qaybta Cunto karinta Hay’adda UNICEF xarunta ay ku leedahay Xafadda Buulo Xuubey ee Degmada Wadajir.

Dilka loo geystay ninkaan u dhahsay Wadanka Uganda ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ka dhaco Magaalada Muqdisho.