Somali News

Saraakiil iyo Dagaalamayaal Shabaab oo lagu dilay Degmada Doolow.

Doolow-KNN- Wararka imaanaya duleedka Degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga  ee Gobalka Gedo oo la hadlay Warbaahinta  ayaa Sheegay in 30 ka mid saraakiisha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen degmada Doolow, kadib markii Howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.

Sidoo kale  Sarakiisha Ciidanka Xoogga ayaa waxaa ay tilmaameen in ay Hubka soo qaateen Al-Shabaab, iyadoona Weli Ciidamada ay howlgalada ay ka wadaan degaano hor leh oo ka tirsan Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa ay kordhiyeen Howlgalada ay ka sameynayaan degaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.