Somali News

Saraakiil iyo Dagaalamayaal Shabaab oo lagu dilay Sh.Hoose

Muqdisho-KNN-Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raagge oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa uu sheegay in Howlgal qorsheysan ay ciidamada xoogga ka sameeyeen inta u dhaxeysa Jaziira ilaa iyo Magaaladda Marko, islamarkaana ay u suurta gashay in dagaal ay kula wareegaan deegaanada kala Ceel Ow Maki, dhannaane, Gandarshe iyo Jilib Marka,xili ay mudo  maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale Abaanduullaha ayaa waxaa uu sheegay  in  ka badan 13 saraakiil iyo  dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana  Ciidamada xoogga ay ka qabsadeen gaadiidka dagaal iyo hub.

Abaanduullaha ayaa waxaa uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan Howlagalada ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab, Islamarkaana ay dhawaan ka saari doonaan degaanada ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamada Xoogga dalka ay la wareegeen Magaalada Marka,kadib markii dagaal xoogan ay kala kulmeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.