Somali News

Saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku geeriyooday qaraxyo ay diyaarinayeen

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay deegaano hoostaga degmada Qoryoolay ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay tuulada Aala-fuutow ee dhinaca galbeed qiyaastii 65-kiilo-mitir kaxigta degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa shaacisay in qarax uu si gaar ah kaga dhacay xaruntii Al-shabaab ay ku farsameen jireen qaraxyada oo ku taala gobolka shabeellada hoose.

Xarunta qaraxyada lagu farsameynayay ayaa waxaa ku sugnaa saraakiill ajaaniib iyo Soomaali ah iyo dagaalameyaal badan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo dhamaantooda goobta ku geeriyooday, kadib markii xiligaasi ay ku howlanaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 61 dagaalame iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen lix sarkaal oo Ajaaniib ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale goobta ay ku geeriyoodeen, hooyo iyo canugeeda oo goobta ka agdhawaa sida ay sheegeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Al-Shabaab ee qaraxa ku geeriyootay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo kasoo jeeda dalka Afgaanistaan oo Al-shabaab uqaabilsanaa farsamooyinka gaadiidka qaraxyada ay u isticmaalaan iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay khaalid, kaasi oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab.